Dowladda Kenya Oo ka walaacsan khilaafka Imaaraadka iyo Soomaaliya

Wargeyska The Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa daabacay in dowladda Kenya ay si weyn uga walaacsantahay khilaafka sii xumaanaya ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale dowladda kenya ay aaminsantahay in tartanka wadamada carabta ay ugu jiraan Soomaaliya uu saameeyn ku yeelanayo howlgalka nabadeeynta Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Kenya oo uu wargeyska soo xigtay ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la ilaaliyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka carabta ayaa dhawaan joojisay howlihii ku aadanaa tababarida Ciidamada dowladda oo ay waday tan iyo sanadkii 2014.