Dagaal khasaara geeystay oo ka dhacay gobalka Bay

Wararka ka imaanaya gobalka bay ayaa sheegaya in dagaal dhaliyay dhimasha iyo dhaawac uu ka dhacay inta u dhaxeeysa magaalada Baydhabo iyo Daynuunaay.

Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii Al Shabaab ay jidka u galeen Ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka K/galbeed oo marayay inta u dhaxeeysa Baydhabo iyo Daynuunaay.

Sedax Akari oo ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa weerarkaasi ku dhimatay halka 2 kale ay ku dhaawacmeen iyadoona uu jira khasaara soo gaaray dhanka Al Shabaab inkastoo aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Saraakisha ciidamada ee deegaanada maamulka K/galbeed ayaan wali war toos ah ka soo saarin weerarka jid gal ah ee lagu qaaday Ciidamada dowladda.