Amisom Oo walaac ka muujisay sida ciidamada dowladda ay kula wareegi karaan amniga dalka

Paul L’Okech oo ah taliyaha Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada Amisom ay ka walaacsanyihiin sida ciidamada dowladda ay kula wareegi karaan amniga dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay yihiin kuwa heysta tababar balse aysan u diyaarsaneyn qaabkii  Amisom ay kagala wareegi la haayeen amniga.

Afhayeenka Amisom Richard Omwega ayaa dhankiisa sheegay in waqtiga Amisom ay ka baxeeysa Soomaaliya uu yahay mid dhaw waxa uuna walaac ka muujiyay in waqtigaas lagu diyaarin karo ciidama la wareega amniga guud ee dalka.

Sida qorshaha ah ciidamada Amisom ayaa la faliya in gabi ahaanba ay dalka ka baxaan sanadda 2021 xilgaana ay amaanka dalka la wareegaan ciidamada dowladda.