Akhriso Isbaheysiga Maamul Gobolleedyada Oo Magacaabay Guddi Cusub Oo La Fadhiisanaya DFS

Isbaheysiga maamul gobolleydyada ee sannadkii hore looga dhawaaqay Kismaayo ayaa iska soo saaray guddi ka kooban dhammaan maamullada si ay dowladda Soomaaliya ula kulmaan.
Guddigan ayaa min hal xubin ku matalaya dhammaan maamullada dalka ka jira, waxaana ay la fadhiisan doonaan dowladda dhexe si ay kala hadlaan arrimo ay kamid yihiin awood qeybsiga iyo sidii loo wadaagi lahaa kheyraadka dalka.
Haddaba Xubnaha Maamul Goboleedyada Iska Soo Saareen Ayaa Kala Ah:
  1. Cabdi Cali Raage, Hoggaamiyaha kooxda
  2. Cabdiraxmaan Warsame Cabdi, Xubin
  3. Cali Ibrahim Cali, Xubin
  4. Cabdikadir Aden Maxamud, Xubin
  5. Cabdul Maxamed Farax Makaran, Xubin