AKHRISO:- Hal Arrin Oo Ethiopia Iyo Qalbi Dhagax ay Isku Seeggan Yihiin!!

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ahaa halyeeyada Soomaaliyeed ee ONLF oo ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay dhiggeeda Ethiopia bartamihii sannadkii hore ayaa weli waxaa socda wada hadallada kala dhaxeeya Adis Ababa.
Kaddib markii uu dalka la wareegay ra’iisul wasaarre cusub, dowladda Abiy Axmed waxa ay dooneysaa in ay yareyso cadaadiska oo ay sameyso furfurnaan ka duwan dowladdii ka horreysay.
Si middaas ay u hirgashay dhawaan ayaa la filayaa in la sameeyo cafin iyo xabsi ka sii deyn maxaabbiista siyaasadeed.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Qalbi Dhagax iyo maxaabbiis siyaasadeed xabsiyada Ethiopia laga sii daayo, dowladda Ethiopia ayaa dooneysa in Qalbi Dhagax Jig Jiga la geeyo, halka isna uu doonayo in uu Adis iska joogo haddii kalena Soomaaliya uu gudaha u galo.
 In Jig Jiga la geeyo waxyaabaha uu ku diidayo waxaa kamid ah sida dad badan ay qabaan, in uusan dooneyn in uu ku dhex noolaado maamulkii uu u arkayay qaladka iyo in ay gumeysiga ku jiraan.