Sawirro:- Dowladda Maraykanka Oo balaarisay Saldhigga ay ku leedahay Soomaaliya

Wararka la helaya ayaa sheegaya in dowladda Maraykanka ay balaarin iyo dib u qalabeyn ay ku sameysay Saldhigga ay ku leedaha gudaha Soomaaliya kaa oo ku yaallo gobalka Shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanka Bali-doogle.

Wargeyska lagu magacaaba Vice News ayaa daabacay in Saldhigga Bali-doogle ee dowladda Maraykanka uu haatan yahay Saldhiga Sedexaad ee ugu balaaran Qaarada Africa marka la ee Saldhigyada Maraykanka ee Africa.

Warbixanta Wargeyska ayaa Sidoo kala lagu sheegay in Saldhigga wax uu qabta ay tahay la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada isagoona xusay in dib u qalabeyn iyo balaarinba lagu sameeyay.

Dowladda Maraykanka ayaa mudooyinki danbe kordhisay howlgalada dhanka cirka ah ee ay kula dagaalameeysa Xarakada Al Shabaab.

Bali Doogle