Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre Oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii danbe safar dibadda ah dalka kaga maqnaa ayaa maanta  ka soo dagay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoona ay soo dhaweeyeen Xildhibaano,Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale.

Wafdiga Ra’iisulwasaaraha ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kaga soo qeyb galay shir caalami ah oo looga hadlayay amaanka Soomaaliya,sidii ciidamada dolwadda ay amniga kagala wareegi lahaayeen Amisom iyo tayeynta ciidamada dowladda Soomaaliya.

Cali Saciid Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa sheegay in shirka Brussels intiisa badan diirada lagu saaray dhismaha ciidamada difaaca iyo sidii dalka ay ugula wareegi lahaayeen Amisom.

Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu ku sugnaa dalka Belgium-ka waxa uu kulama gaar gaar ah la qaatay Mas’uuliyiin ka socda qaar ka mid ah dowladaha Yurub.