Muxuu Ka Dhigan Yahay Kulankii Axmed Madoobe Iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia?

Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Soomaaliya ayaa noqday mas’uulkii ugu horreyay ee kasocda Soomaaliya oo la kulma ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Mudane Abiy Axmed.
Safarka Axmed Madoobe ee Adis Ababa waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish, Wasiirka Dastuurka maamulkaas Aadan Aw Xirsi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Kismaayo.
Inkastoo arrimaha looga hadlay kulanka aan lawada shaacin haddana dadka caqliga u saaxiibka ah waxa ay aaminsan yihiin in muhiimadda ugu badan ee maamulka Abiy Axmed uu ka leeyahay siyaasadda Soomaaliya ay saldhig u tahay Kismaayo isagoo kala tashanaya maamulka Axmed Madoobe sidii uu kala shaqeyn lahaa siyaasadda Soomaaliya.
Marka laga soo tago maamulka Puntland iyo Soomaaliland oo Soomaaliya sheegatay in ay ka madax banaan tahay, maamulka Jubbaland ayaa ah mid kamid ah maamullada ugu xiriirka wanaagsan dhanka dowladda Ethiopia.
Si kastaba ha ahaatee Axmed madoobe oo cadaadis badan uu ka saaran yahay reerraha daga maamulka Jubbaland ayaa hadda doonaya in uu sii ahaado dulaal dowladda cusub ee Ethiopia uga ah gudaha Soomaaliya.