Maamulka K/galbeed Oo Magaalada Baydhabo ka mamnuucay Mooto Bajaajka

Maamulka K/galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar u ah ka mamnuucay in Mootooyin cusub la geliyo Magaaladaasi iyadoona digniin loo diray ganacsatada iibisa Mooto bajaajka iyo darawalada kaxeeya.

Taliyaha Booliiska Koonfur Galbeed Mahad C/raxmaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay gabi ahaan ay mamnuuceen in Mootooyin cusub la geeyo Magaaaldaasi isagoona intaa raaciyay in cidii geeysa ay kala wareegi doonaan.

Mahada oo wax laga weydiyay sababta ay mamnuuceen Mootooyinka cusub ayaa wax uu sheegay in Magaalada Baydhabo ay ku bataan Moota Bajaajka taana ay keenta in Maamulka go’aankan cusub uu ku qaato.

Mooto Bajaj ayaa ah mid mudooyinkii danbe aad ugu sii badaneeysay gobalada Dalka Soomaaliya iyadoona inteeda badan ay ka xeeyaan rag dhalinyaro u badan.