Hal Sabab Oo Keeni Karta In Xilka Laga Qaado Eng Yariisoow?

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cismaan Yariisoow ayaa waxaa kusocda ollole ka dhan ah kaas oo ay wadaan qaar kamid ah dhalinyarada ku xiran xafiiska madaxweynaha.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii uu guddoonka gobolka joojiyay lacagihii la siin jiray qaar kamid ah dhallinyaradaas oo dagnaa hotellada ugu qaalisan magaalada.
Waxaa magaalada soo gashay warar sheegaya in guddoomiye Yariisoow xilka laga qaadi doono, maaddaama lasoo dhaafay wakhtigii la doonayay in lagu soo gudbo.
Sababta ugu weyn ee ay u doonayaan in ay xilka ka qaadaan guddoomiyaha waa in xilkaas loo dhiibo Axmed Waashiton oo markii horeba lala doonayay ha yeeshee aysan suurta gelin.
Si isbaddal loogu sameeyo dekedda Muqdisho, islamarkaana loo wada qanciyo lafaha kala duwan ee beesha Abgaal dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in markan ay saaraan qof reer Mataan ah,  maaddaama Thaabitna uu ahaa Waceysle Yariisoowna uu yahay Daa’uud.
Is baddalkaas marka laga soo tago dowladda Soomaaliya waxa ay dareemeysaa in Yariisoow uusan ahayn qof ahaanshihiisa aysan ku qanacsaneyn, maaddaama uusan ka shaqeyn danaha reerkiisa oo ku dulman maqaamka Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee waxaa damac kale uu ka jiraa in xilka maareeyaha dekedda la wareejiyo oo loo dhiibo qof aan ahayn Abgaal, si middaas loo sameeyo Axmed Waashinton ayaa laga yaabaa in laga qaado xilkaas laguna qanciyo xilka guddoonka gobolka Banaaddir, sidoo kale waxaa macquul ah in xilka inta laga qaado aan la siin xil kale.