Fatahaadaha Balad Weyn Oo Saameyay Imtixaannaadkii Dugsiga Sare

Iyadoo xaalad benii aadamnimo ay ka taagan tahay magaalada Beled Weyne xarunta gobolka Hiiraan ayaa haddana maanta waxaa lagu madalsanaa in la qabto imtixaanaadka kama dambeysta finalaha ee iskuullaadka dugsiga sare.
Kumanaan Arday oo dhiganayay illaa 10 Iskuul oo hoos taga Dalladda Waxbarashada ee FPENS oo maanta loo balansanaa ayaa imtixaankooda dib loo dhigay, iyadoo maanta ay aheyd in si wadajir ah ay u fariistaan dhamaan Ardayda Imtixaanka kama dambeysta ah.
80%kiiba dadka ma dagna guriyahooda oo waa ay barakaceen ama waxa ay ku jiraan qalqal ay ka baqdin qabaan in fatahaada ay saameeyaan.
Axmed Dhaqane oo ah guddoomiyaha iskuulaadka gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in dhammaan iskuulaadka magaalada ay u xirmeen fatahaadahaas awgeed, aanna la geli doonin maanta iyo todobaadkan ba imtixaannaadkii lagu balansanaa in ay galaan ardayda sannadkan dhammeysaneysay dugsiga sare.
si kastaba ha ahaatee weli waxaa Balad Weyn ka taagan xaalad benii aadamnimo tii ugu liidatay taariikhda maaddaama ay burbureen silsilladdii caafimaad, middii waxbarasho iyo mid kastaba, taas oo halis ku ah dadka