Degmo kamid ah Muqdisho oo Bambaano lagu weeraray!

Shaaciye.com-Waxa bam gacmeed Xalay lagu weeraray Saldhiga  degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

Warar laga helaayo ayaa waxa ay sheegayaan in bam gacmeedka lagu weeraray halkaas oo laga dhisayo Xarunta degmada Wadajir oo ku dhow Saldhigga degmada Wadajir kadib markii dhismahii horey qarax gudaheeda lala galay ku bur burtay.

Inta la xaqiijyay  khasaaraha ka dhashay bam gacmeedkaas,oo dadka deegaanka sheegen waxaa dhaawacmay nin oday ah oo wadada marayay kaas oo loola cararay mid ka mid ah isbitaalada Magalada Muqdisho.

Waa markii labaad oo bam gacmeed lagu weeraro Xarunta degmada Wadajir oo uu dhismo ka socdo iyadoo mudooyiinkii danbe Magaalada Muqdisho ka dhacayeen dilal qorsheeysan kuwaasi oo askar Dowladda ka tirsan iyo dad rayida loogu geestay.