Alshabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerar Ka Dhacay Kenya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar culus oo habeenkii Jimcaha ay soo galeysay lagu qaaday deegaan lagu magacaabo Shimbir-faadumo oo ah deegaan ku yaala inta u dhaxeysa degmada Ceelwaaq Kenya iyo magaalada Mandheere oo ka wada tirsan dalka Kenya.
Deegaanka weerarka uu ka dhacay waxa uu hoostagaa Ceelwaaq Kenya waxaana uu u dhaw yahay magaalada Mandheere,iyadoona ay sii kordhayaan khasaaraha nafeet ee ka dhashay weerarkaasi.
Idaacadda codka kooxda Alshabaab ku hadasha ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay Shan qofood oo Kenyaati ah laguna dhaawacay Labo kale, intii uu socday weerarkaas
Kooxda Shabaab ayaa weeraro ka fuliya Kenya, kuwaas oo ay sheegeen in ay falcelin u yihiin weerarrada Kenya ku qaaddo gudaha Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen.