DHAGEYSO:-Xildhibaan Joodax”Xildhibaanada aan ka shaqeyn la`anahay waxaan u arkaa arimo siyaasadeed?

Shaaciye.com– iyadoo eedeeyn loo soo jeedinayo mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu ka shaqeyn la`ayahay maamulka gobolka Banaadir iyo Garsoorka gobolka ayaa eedeeyntaas iska fogeeyeen xildhibaanada Soomaaliya.

Shalay ayey aheed markii Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Aweys Sheekh Cabdulaahi uu sheegay in howlaha Garsoorka Gobolka Banaadir ay ka wadi la’yihiin Xildhibaano mar walba soo fara galiya kiisaska dacwadaha ee ay qabato Maxkamada Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. yariisow) ayaa asigane sheegay in uu ka shaqeyn la’yahay  Madaxtooyada Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay wataan dano gaar ah oo ay doonayaan in loo shaqaaleysiiyo.

Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan Joodax oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa ka hadlay eedeeyntaas loo soo jeediyay xildhibaanada.

Xildhibaan Joodax ayaa yiri”anaga waxaan matalnaa shacabka, kama shaqeyno in aan qofna dulmina qofna danaheeda raadina, Baarlamaanka in laga shaqeyn la`ayhayay uma arko waxaan u arkaa in arinta ay tahay mid siyaasadeysan”

Sidoo kale warar soo baxaayo ayaa sheegaya in Khilaafka Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Eng: Yariisoow iyo Madaxtooyada gaaray heerkii ugu sareeyay iyadoo hadal haayo in xil qaadis lagu sameyn doono.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO