Max’ed Mursal Oo Maanta si rasmi ah ula wareegaya Villa Hargeysa

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa maanta si rasmi xilka ula wareegaya, isagoo wixii maanta ka dambeeya ku shaqeyn doona Xarunta Villa Hargeysa oo ah hoyga iyo Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka.
Guddoomiyihii hore Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa wixii maanta ka dambeeya ka guuraya xaruntan, kaddib muddo shan sano oo uu degenaa, intii uu xilka hayay.
Si kastaba ha ahaatee munasabadda oo aan sidaas u sii weyneyn ayaa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah mas’uuliyiinta dowladda iyo xildhibaanno ka tirsan labada gole.