Kheyrre Oo Ka Dagay Belgium ka Iyo Shir Arrimaha Soomaaliya Looga Hadlayo Oo Maanta Ka Furmaya Brussels

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan cali kheyrre ayaa gaaray Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium ka.
Kheyrre iyo wefdigiisa ayaa doonaya in ay ay uga qeyb galnaan shir maanta ka dhacaya halkaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan sidii amniga Dalka ay ula wareegi lahaayeen dowladda Soomaaliya.
Shir weyne arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo ay ka qeyb galayaan deeq bixiyayaasha adduunka ayaa Brussels ka dhici doona kaas oo lagu lafa gurayo arrimaha ciidanka Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee waxaa socda dadaallo lagu doonayo in ciidanka Soomaaliya ay la wareegaan ammaanka dalka, marka ay ka baxaan ciidanka AMISOM.