Farmaajo: “Al-shabab ayaa gurmadka u diiddan Beledweyne!

Shaaciye.com-Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay dadkii ka barakacay fatahaadda wabiga Shabeelle uu ku sameeyay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qeyb ka yihiin sababaha Fatahaadda wabiga.

Sababaha ay ugu qeybta yihiin waxa uu ku tilmaamay in aanan safar dhulka ah Hiiraan lagu tagi karin maadaama ay ku sugan yihiin deegaanada qaar.

Waxa uu dhanka kale Hay’daha samafalka ka dalbaday in ay u gurmadaan dadka ku dhibaateysan Gobolka Hiiraan, Dowladdana ay ay ka gacan geysan doonto wixii garaadkeeda ah.

waxa uu  tilmaamay in hab waliba oo gurmad lagu daarsiin karo ay sameynayaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay tagay Magaalada Baladweyne isagoo saaran Diyaaradaha Qaramada Midoobe.

Waxa uuna soo indha indheeyay Xeryo KMG ah oo la dajiyay qoysaskii ka barakacay Fatahaadda Wabiga iyo daadadka ka dhashay Roobabkii ugu dambeeyay ee Magaalada ka da’ay.

Magaalada Baladweyne waxa ay sidaa ku noqotay mid go’doon ah, dadka Magaaladana ay wajahaan Xaalado nololeed