Philippines oo dadkeeda ka mamnuucday Kuwait Ogoow sababta!

Shaaciye.com-Warqad ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dalka Philippines,Rodrigo Duterte ayaa maanta oo Axad ah soo saaray warqad uu dadka dalkiisa uga mamnuucay dalka .

Arrintan waxaa ay dhalatay kaddib markii shaqaale u dhashay Philippines lagu dilay Kuwait,islamarkaana Meydadkooda la waayay.

Warqadda ayuu Madaxweynaha ku joojiyay un dhamaan dadka dalkiisa ay ku aadaan Kuwait,waxaa kale oo uu amray in kuwa jirana ay dib u soo laabtaan.

Xiriirka Xukuumadaha Maniila iyo Kuwait ayaa xumaaday,waxaana ay sababtay in ay safaaradaha kala rartaan,iyada oo hadda labada dal uu ka dhaxeeyo khilaaf dhinaca diblomaasiyadda ah.

262,000 oo Reer Philippines ayaa ka shaqeeya Dalka Kuwait sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas,badankood waa shaqaale hoose oo aan heyn xirfadaha sare.

In ka badan 10 Milyan oo reer Philippines,ayaa ka shaqeysta dibadda dalkaas,waxaana meelaha ugu badan ee ay ka shaqeystaan u badanyihiin Waddamada Khaliijka Carabta iyada oo ay ka sheegtaan gabood fallo ka dhan ah aadanaha.

Rodrigo Duterte,ayaa sheegay in Dalkiisa u saaxiib wanaagsan la yahay dalka China isaga oo ballan qaaday in dadka dibadda ka soo laabta ay shaqo ka heli doonaan Dalka China.