Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta la dooranayo iyo Xildhibaanada oo Fariimo Xasaasiya wadaagay Xog Culus!

Shaaciye.com-Sida uu qorshaha yahay waxaa maanta oo Isniin ah Magaalada Muqdisho ka dhaceysa Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka oo ay u tartamayaan ilaa 11 Musharax.

Musharaxaiinta xilkan u tartameysa ayaa waxa ay kala yihiin Ibraahim Isaaq Yarow, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Cali Sheekh Maxamed (Xaaji Cali), Saalim Caliyow Ibrow, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), Idiris Cabdi Dhaqtar, Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye, Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye iyo Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Bayle ayaa xaqiijiyay in maanta ay dhaceyso Doorashada, ayna rajeynayaan in si wanaagsan ay ku qabsoonto.

Warbaahinta oo heshay Fariimo  Muhiima oo aay wadaagayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka kuwaas oo niyad jab iyo naxdin ku riday Fahad Yaasin Madaxweyne  Farmaajo iyo R/wasaare Khayre.

Fariinta oo aay nala wadaageen qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka  ayaa u qorneed sidaan hoos ku qoran.

XILDHIBAAN BERI WAA MAALIN TAARIIKHI AH. WAXAA LA KALA

DOORANAYAA MUSHARAXA MADAXTOOYADA IYO MID MADAX BANAAN

Hadii aad doorato Maxamad Mursal waxay ka dhigan tahay:-

1- In sedaxdii hay’adood ay hal gacan wada galaan.

2- In aad iska ilowdo la xisaabtan iyo kor joogtayn xukuumad.

3- – In C/weli Muudeey uu noqonayo Gudoomiyaha rasmiga ah ee

Baarlamaanka.

4- In la dhaqan geliyo dastuurkii la xaday oo tirada xildhibaanadu

225 yihiin mudada madaxweynahana 5 sano tahay.

5- In xasaanada laga qaadayo xildhibaankii la doono

6- In dalku diktaatooriyo iyo dagaal sokeeye dib ugu laabto

In aad doorato musharrax madaxbanaan, dhiiran, ku dhicisna leh.

Waxaa ugu dhow Ibraahim Yarow. Waxaa laga filayaa

1- In uu ilaaliyo Madaxbanaanida Baarlamaanka.

2- Inuu u dhexeeyo xildhibaanada

3- – In uu isku celiyo aragtiyada kala duwan

4- In uu kala saaro danta Qaranka iyo mid qofeed.

Hadaba Maanta ayaa lagu wadaa in aay dhacdo doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyadoo dhanka kale Madaxtooyada wadato shaqsiyaad gaara oo aay ku baxinayso dhaqalaahii ugu badnaa taaso hadii aay dhacdo in la doorto shaqsiga aay wataan Madaxtooyada labada awood isku darsan doonto. 

Hotelada qaar ee Magaalada Muqdisho xalay waxaa ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo lagu kala jiidanayo xildhibaanada Baarlamaanka, maadaama Doorashada keliya ay ka harsan tahay saacado qura.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeynayaa in ay wadato Musharax ka mid ah xubnaha tartamaya, kaasi oo ah Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, balse waxaa laga dhawr sugayaa sida ay maanta wax u dhacaan.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo caawimaad ka helaya kuwa AMISOM ayaa aad u adkeeyay ammaanka wadooyinka hormara xarunta Golaha Shacabka oo Doorashada ay ka dhaceyso.