Gudoomiyaha Gobalka oo lacag qeybinayo Hoteelo ku Yaallo Muqdosho la arkay iyo Madaxtooyada Musharax Gaaara wadata!

Shaaciye.com-Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) iyo rag ka socda Madaxtooyada oo xalay lagu arkay Hoteelada Muqdisho iyaga oo lacag u qeybinaya Xildhibaanada maadama Madaxtooyada iyo Xukumada Khayre wadato Musharax gaara oo u taagan Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Magaalada Muqdisho Siyaasiyiinta iyo Bulshadda degan ayaay layaab ku noqotay Gudoomiyaha oo Mashquul ku ah arrimo Kaambeyn iyo in dhaqaalahii Gobalka loo isticmaalayo soo saarista Musharax gaara Maadama Magaalada Nadaafad xumo iyo wadooyinka qaar biyo gooyeen.

Sidoo Kale Maamulka Gobalka Banaadir ayaan ka qeyb ka qaadan Gurmad lala gaaro dadka ku dhibaateysan Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ,halkaasi oo ay ku dhufteen Daadad sababay in dadkii ay Magaalada ka barakacaan.