Beledweyne: 6; Qof oo isku qoys ah oo ku dhintay Fatahaadda Wabiga Shabeelle!

Shaaciye.com-Dhibaatooyin hor leh ayaa laga soo sheegayaa inay ka dhasheen Fatahaada Wabiga Shabelle uu ka gaystay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qoys la socday gaari ayaa la sheegay inuu la dumay Boosaneer, kadib markii ay garan waayeen meesha ay dulmarayeen inay aheyd Boosaneer, maadaama biyo meel kasta ay buuxaan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya ayaa sheegay qoyskaasi oo ku barakacay gaari ay la socdeen inuu la dumay Boosaneerka, kadibna ay halkaasi ku aasmeen.

“Qoyskaan oo lix ruux ka koobnaa gaari ayeey saarnaayeen oo ay ku barakacayeen, gaarigii ayaa boosaneer ku dhacay, iyagiina sidaasi ayeey ku aasmeen.” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Wuxuu aad walaac uga muujiyay xaaladda halista ah ee ay ku jiraan dadka ku nool Magaalada Baledweyne oo xilligaan u baahan gurmad xooggan oo ku aadan sidii loo gargaari lahaa.

Ra’isul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa guddi ka kooban 22 xubnood u magacaabay samatabixinta dadka ay saameysay fatahaada Wabiga Shabelle ee Magaalada Baledweyne.