Soomaaliya Oo Marti Gelin Doonta Shir Weyne Looga Hadlayo Arrimaha Dhuxusha

Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya waxa ay marti gelin doontaa shir weyn heer caalami ah kaas oo looga soo horjeedo isticmaalka Dhuxusha, iyo baabbi’inta geedaha.
8.2 million oo geed ayaa loo jaray si looga sameeyo dhuxul, teer iyo 2011-17, gudaha Soomaaliya oo qura, taas oo sara u qaadeysa cara guurka iyo nabad guurka dhulka.
7-8th May 2018 ayaa loo asteeyay in la qabto shir weynahaas, waxaa kasoo qeyb gali doona qaar kamid saraakiisha ugu sar sareysay qaramada midoobe gaar ahaan hey’adaha¬†United Nations Development Programme (UNDP), UN Environment and the Food and Agriculture Organisation of the United Nations (FAO).
Waxaa maal gelin doona shir weynahaas, Midowga Yurub iyo dowladaha Swedan iyo Taliyaaniga kuwaas oo bixin doona lacagaha ku bixi doona shirkaas.
Qaramada Midoobay ayaa ka mamnuucday Soomaaliya dhoofinta dhuxusha  sannadkii 2012-, ha yeeshee weli waa ay jirtaa isticmaalka dhuxusha, sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in kooxa gaar ah lacago ay ka sameeyaan, sidoo kalena Alshabaab canshuur xooggan ka sameeyaan dhoofinta dhuxusha.