Sawirro: Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo Qado Sagootin ah u sameeyay KooxdaCiyaaaroortay ah!

Shaaciye.com-Munaasabad qado ah oo uu soo agaasimey Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Eng :Yariisow Xildhibaano, bahda Isboortiga, khabiiro Soomaaliyeed oo ku xeel-dheer arrimahan, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo saraakiil dawladeed, waxayna dhammaantood guul u rajeeyeen kooxdan oo ku soo cayaari doonta magaca Soomaaliya.

“Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in ka qeyb galka Cayaaraha heer Caalami ah ay astaan u tahay soo noqoshada Dawladnimada Soomaaliya, xili uu ka hadlayay qado saagootin ah oo Xildhibaan Sheekh Mustafa Cali Dhuxulow u sameeyey kooxda FC Benadir Sports Clup oo dhowaan ka qeyb geli doonta isreeb-reebka Cayaaraha Jaamacadda Carabta.

Xildhibaan Mustaf Dhuxuloow ayaa waxaa uu kamid yahay Xildhibaanada fara ku tiriska ah ee u dhaq dhaqaaqa dhiiri gelinta iyo is dhex galka Bulshadda isaga sidoo kale door muhiima ka qaatay Howlaha Samafalka.

Dhanka kale Siyaasiga Nuur Ismaaciil Sheekh ayaa ku bogaadiyay Xildhibaan Mustaf dhuxuloow dadaadlkiiisa ku saabsan is dhexgalka Bulshadda Iyo in loo gurmado dadka dhibaateysan isaga oo ku tilmaamay astaan qaran oo loo baahan yahay in aay ku daydan Masuuliyiinta kale ee Xilalka ka haaya Dowladda.

Unnamed (4)
Unnamed (4)
Unnamed (1)
Unnamed (1)
Unnamed (2)
Unnamed (2)
Unnamed (3)
Unnamed (3)
Unnamed (5)
Unnamed (5)
Unnamed (6)
Unnamed (6)
Unnamed (7)
Unnamed (7)
Unnamed (8)
Unnamed (8)
Unnamed
Unnamed