Maxaa Ka Jira In Mareykan ka Uu Burburiyay Saldhig Alshabaab Ay Ku Lahaayeen Duleedka Magaalada Kismaayo

Warbaahinta gudaha ayaa werineysa in iskaashiga ciidanka Jubbaland, Kenya iyo diyaaradaha Mareykan ka lagu burburiyay saldhigyo ay Alshabaab ku lahaayeen deegaanno ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.
Wararka ayaa intaas ku daraya in deegaanka weerarka lagu qaaday uu yahay Baar- sanguuni oo qiyaastii 45 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Waxa ay xaqiijiyeen in ay dileen ku dhowaad 30 dagaal yahan oo ka tirsan Alshabaab, kuwaas kusugnaa deegaankaas.
Warar badan laga ma helin dhanka Alshabaab kaas oo ku aaddan sheegashada dowladda in ay burburiyeen fadhiisimo ay kooxdaas ku lahaayeen deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.
Si kastaba ha ahaatee Kenya iyo Mareykan ka oo taageeraya ciidanka maamulka Jubbaland ayaa dagaal kula jira kooxda Alshabaab ee ka dagaallanta gudaha Soomaaliya.