Ethiopia Oo Dooneysa Hal Qorshe Oo Dhabar Jab Ku Ah Hormarka Ciidanka Soomaaliyeed

Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Ethiopia ayaa sheegtay in dalkooda uu doonayo in ciidanka midowga  Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay iska sii joogaan.
Meles Alem oo ah afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda dalkaas ayaa sheegay in mowqifka dalkiisa ee AMISOM uu yahay in ay sii joogaan, tan iyo marka Alshabaab awooddooda la wiiqayo.
“Mowqifka Ethiopia ee ku aaddan arrinta AMISOM in ay ka baxdo Soomaaliya, waxa ay tahay, in iskaashiga caalamiga ah uu kusugnaado Soomaaliya illaa laga adkaanayo kooxda Shabaab ee ka dagaallanta gudaha dalkaas”
Iskaashi caalami ah oo u badan waddamada qaaradda Afrika ayaa ciidamo kala duwan u soo diray Soomaaliya, tan iyo sannadkii 2007-dii.
June 2016-kii guddiga Ammaanka iyo nabad soo celinta ee Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in la yareyn doono tirada ciidamada AMISOM, sidoo kale la tayeeyo ciidanka dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Hadalka wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia ee ah in ay sii joogaan AMISOM waxa ay dhabar jab ku tahay geeddi socodka hormarka ee ciidanka dowladda Soomaaliya iyo wada hadalladii ay ku baxeysay AMISOM.