DEG DEG:- Qarax Miino Oo Ka Dhacay Muqdisho

Ilo wareed kusugan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax miino uu ka dhacay aagga xaafadda Yunisheef (Unicef).
Goobjooge ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa mid gaari lagu xiray islamarkaana dhacay abbaarre 7-dii subaxnimo ee saakay.
Laamaha ammaanka ayaa durba soo gaaray goobta, waxaana ka socda baaritaan dheer.
Lama oga cidda rasmiga ah ee lala beegsaday, ha yeeshee shaaciye oo la xiriirtay laamaha ammaanka uma suurta gelin.
Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idin kala socodsiin doonnaa inshallah.