DAAWO: Muuqaal Murugo & Calool xumo Badan Beledweyne!

Shaaciye.com-Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku baaqay in gurmad lala soo gaaro dadka ay saameeyeen fatahaada uu wabiga Shabelle ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Beledweyne.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dadka kunool Magaalada Baledweyne ay ku sugan yihiin Xaalad adag.

Waxaa uu sheegay in musiibada ka taagan Beledweyne ay ka weyn tahay maamulkiisa.

Madaxweyne Waare ayaa shir jaraa’id ku dhex qabtay xaafado ay gudaha u soo galeen daadadka ka dhashay fatahaada wabiga shabeelle, waxaana biyaha u joogeen illaa jilibka.

Muuqaal Murugu Badan Hoos ka Daawo