Booliska Yurub oo sheegay in ay baabi’iyeen warbaahintii Daacish!

Shaaciye.com-Booliska Waddamada Midowga Yurub ayaa sheegay in ay weerar dhinac Internet-ka ah ku qaadeen warbaahinta Ururka Daacish ee ay ku faafin jireen Wararka,muuqaallada iyo warbixinnada iyaga la xiriira.

8, Dal oo ka mid ah Ururka Midowga Yurub ayaa isu kaashaday weerar dhinacyo badan oo lagu qaaday warbaahinta Daacish,waxaana ay ku sheegeen in ay dhamaan baabi’iyeen haddana aysan jirin Daacish meel ay ku faafiso wararka iyo muuqaallada argagaxa leh ee ay baahin jirtay.

Warbaahinta ay baabi’iyeen waxaa ka mid ah,Amaq news al-Bayan radio, Halumu  iyo  Nasher,weerarkan dhinaca Internet-ka ah waxaa sidoo kale ku luglahaa Mareykanka,waxaana uu socday muddo labo maalmood ah.

Waxaa ay Midowga Yurub hadda sheegayaan in Daacish aysan awoodin faafinta wararkeeda iyo muuqaallada argagaxa hel,inta badanna lagama daawan karo Yurub iyo Mareykanka.

Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Bulgaria,waxaa uu sheegay in afar ka mid ah serverada ay Warbaahinta Daacish ka heli jireen Internet-ka la jaray lana baabi’iyay.