Xiisad Colaadeed beeleed oo ka taagan g/Galgaduud!

Shaaciye.com-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo wada daga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Deegaan Olol la yiraahdo oo qiyaastii dhowr iyo 30 Km u jira magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolkaasi ayaa waxaa ka taagan xiisad colaadeed oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamaya Dul Daaqsimeed, sida wararka soo baxa ay tilmaamayaan.

Inta la xaqiijiyay 3 ruux ayaa geeriyootay 5 kalane dhaawac ayaa soo gaaray oo ah dhinacyadii dagaalamay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in cabsi xoogan ay qabaan kadib dhaq dhaqaaq iyo hub aruursi ay sameynayaan dhinacyadaan dagaalamey.