Taariikhda Dhibaatada Ay Leedahay Waddaniyadda Xad Dhaafka Ah Iyo Masiirka Halka U Dambeysa!!

Hoggaamiyayaasha ama siyaasiyiinta ku awr kacsada shacabkooda aragtiyaha qowminnimada (Waddaniyadda), inta badan sida ay taariikhdu na bareyso waxa ay dalalkooda ka tuurraan gebi dheer, taasna waxaa sabab u ah ayaan dhihi karnaa deg degsiimo iyo ka gaarsiis ku furan siyaasadda hoggaamiyayaashaas.
Dowladdii Qaraamidhada ee firqada Shiicada ay ka yagleelleen bariga dhexe qarnigii afaraad ee Hijriyada, waxa ay ahayd dowlad xooggan oo bar bar taagneyd Khaliifadii Cabbaasiyiinta, siyaasadda ugu weyn ee ay ku dhisneyd waxa ay ahayd caqiiddada Shiicada gaar ahaan qolada Ismaaciiliyiinta, taas oo ah u hiillinta ahlu beydka nebiga (Scw) iyo dhisidda dowlad wadata fikirka shiiciga, oo ay dadka ugu awr kacsanayeen jaceylka qoyska nebiga; taas waxa ay sababtay in ay helaan taageerayaal xooggan oo u badnaa Cajamtii Kuufa (Ciraaqda maanta) kuwaas oo aan u riyaaqsaneyn dowladdii Cabbaasiyiinta oo ay u arkayeen in ay Sunnada iyo Carabta uun u gaar tahay.
Laab kacsigii u hiillinta Ahlu Beydka oo u ahaa hal heys dowladdan wuxuu noqday mid ay gebi dheer kala dhacaan, oo waxa ay xumaan iyo naceyb u qaadeen firqada Sunnada, ugu dambeyn waxa ay weerarreen Xujeydka Sunnada, hal ay dilaan iyo hal ay sahayda ka qaataan ayeey ka dhigeen, 317-kii hijiriyada, hoggaamiyihii dowladdaas Abuu Tahir wuxuu weerarray kacbada, wuxuuna jejebiyay albaabbadeedii, halka uu horey usii qaatay dhagaxa madow ee aan u tukanno jihadiisa, iyagoo heystay sida ay taariikhyahannadu sheegayaan muddo ku siman 18 go’ iyo dheeri.
Taariikh xumada laga wariyo dowladdaas waxaa sabab u ahaa qawminnimada iyo olollihii xanafta lahaa ee ay ku awr kacsadeen shacabkii haya raaca u badan.
Si uu Nazigii Jarmalka u helo taageerrada dadkiisa, wuxuu darbiyada ku qoray boorar waa wayn oo sheegaya sarreynta sinjiga Aryan ka oo ay bulshadaas ku abtirsadaan, suurta gal ma ahan in dhammaan dadkiisa ay ugu sacab tumaan qalashada qawmiyadda Yahuudda, se waxaa fududeeyay halheyska qawmiyanimada, waan ognahay wixii ku dhacay ee musiibo iyo halka ay dhigeen Jarmalkii qabka weynaa.
Chine dhib badan ayeey ku mareen in ay qaataan nidaamka shuuciyadda, Moa Tse Tung oo la qalin daarannaya Moscow ayaa bilaabay ololle lagu owr kacsanayo dadka fuqarrada ee tirada ugu badan ka ah dalkaas, waxaa ka dhashay musiiba iyo tacaddi xad dhaaf ah, oo waxaa ay ku qasbanaadeen in ay ka haajiraan dhulkooda, iyagoo galay hijradii caanka ahayd ee ( long March), ka fakar iyo ma jirin ka fiirsi, natiijadii ka dhalatayna waa la ogaa.
Inkastoo Ethiopia ka gardarneyd Soomaaliya dagaalkii koobaad ee sannadkii 1964-kii, haddana xaqiiqada jirta ee aan iska indha tirno waa in aan anaga gardarrada ku lahayn bilaabashada dagaalkii 1977-kii, haa. Soomaaliya qaddiyad sax ah ayeey ku doodeysay haddana dagaalka in xilligaas uu dhaco waxaa sabab u ahaa qawminnada ama halqabsiga waddaniyadda, taas oo aan eednay maxsuulkeeda.
Hoggaanka haya talada dalka, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo olollihiisa doorasho wuxuu kusoo galay muujinta qawminimo (waddaniyad) iyo Ethiopia naceyb wax u eg oo laga dheehan karay olollihiisa si uu u kasbado taageerrada tiro badan oo shacabka Soomaaliyeed ah kuwaas oo aan garaneyn waxa saxda ah ee ay ku colaadinayaan Ethiopia marka laga soo tago tagtadii hore.
Markii talada ay la wareegeen oo hadda laga joogo muddo ku siman 15 bilood, waxa ay lugaha la galeen mawjado siyaasadeed iyo hirar khilaafaad ah, kuwaas oo marna ay qarqamayeen marna ay qoordhereynayeen, go’aankii colaadinta Imaaraadka, dad badan oo u dhunduleella arrimaha gobolka waxa ay aaminsan yihiin in ay gebi dheer ka tuuri karto xasilloonida siyaasadeed iyo mid dhaqaalle ahaanba, maaddaama uu go’aankaas ahaa mid aan si qota dheer looga baaraanddagin, oo lagu dag dagay sida ay qabaan xeeldheerrayaasha.
Ciladaha qawminnimada ay leedahay waxaa ugu weyn:-
b) Siyaasad Xumo:- Siyaad Barre haddii uu lahaan lahaa fogaan arag siyaasadeed, iyada oo aysan hal xabbad dhicin ayuu ku heli karay 80% kiiba dhulka Soomaali Galbeed in ka yar hal sanno, maaddaama Minggista uu daciif ahaa, Soofiyeedna aysan diyaar u ahayn in dalal ay xilfi wadaag yihiin ay is dagaalaan; marka labadaas arrin la isku daro, waddaniyaddii Siyaad masoo kordhin waxaan ahayn burbur Soomaali soo gaara iyo caruur agoontawda.
t) Deg deg:- tani waa astaan kamid ah astaamaha badawnimada ama reer Baaddiyenimada; waana qofka oo aan sugin illaa arrintu ka bislaaneyso ama laga gaarayo gunto, natiijada ugu yar ee laga dhaxli karo waa seegidda wixii laguu qorsheeyay, ama aadan gaarin meeshii aad damacsaneyd.
Soomaalidu waxa ay ku maahmaadaan “Geedkii orod lagu koraa, orod ayaa looga dagaa!!!” haddaba dadka inta aan indhaha xirneyn waa ay garwaaqsan yihiin qalad ahaanshaha in dowlad la colaadiyo iyadoo loo adeegayo dowlad kale oo aan masaalix wadaag ahayn, haddana su’aasha jawaabta u baahan waxa ay tahay illaa intee bay madaxdeenna iyo siyaasiyiinteenna lahaan doonaan sifooyinka aan kasoo hadalnay ee siyaasad xumida iyo deg degga?
 W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali
E-mail:- C.wahaabyare@gmail.com