Kenya Oo Joojisay Kulan Uu Cabdiraxmaan Cabdishakur Ku Qaban Lahaa Nairobi

Dowladda Kenya oo joojisay Xaflad lagu soo dhoweyn lahaa Siyaasiga Cabdirahmaan Cabdishakur, Xafladdaas oo aheyd Qado ayaa lagu balansanaa in maanta uu ka dhaco Sir Cali Muslim Club oo ah fagaare weyn oo xafladaha lagu qabto una dhow Xaafada Islii ee magaalada Nairobi
Wararka qaar ayaa sheegaya in amarka lagu joojiyay Xafladan uu bixiyay Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka, kaasoo horay u joojiyay in aanay Mucaaradka dowladda Madaxweyne Farmaajo wax shir ah ku qaban karin Kenya.
Joojintan ayaa ah mid kasoo horjeedda xurriyadda bandhigga iyo hadalka, sida ay qabaan dad badan oo ka faallooda arrimaha gobolka.