Imaaraadka Oo Muqdisho Ka Sameeyay Arrin Alshabaab U Sahli Karta Xasuuqa Shacabka Muqdisho

Dowladda Imaaraadka ayaa kunteennaro hubka ah ku soo daadiyay magaalada Muqdisho, kuwaas oo kamid ah hubkii ay ku tababbarayeen ciidankii ku xareysnaa xerada Jeneraal Gorod.
Shalay ayeey ahayd markii la  isku dayay in la bililliqeysto qaar kamid ah kunteennaradii hubka ahaa ee ku jiray xeradaas taas oo ay ka biya diideen ciidanka Militeriga dowladda Soomaaliya.
Kunteennarada la sheegayo in ay Imaaraadka magaalada kusoo daadiyeen waxa ay iskugu jiraan hubka noociisa fudud iyo noocyada culus, kuwaas qal qal gelin kara ammaanka magaalada Muqdisho.
Si kastaba falkan ayaa imaanaya xilli Dowladda Imaaraadka ay ka daabbulatay agabkii ka yaallay Soomaaliya todobaadkii lasoo dhaafay, ka dib markii uu meel xun gaaray khilaafka labada dal.
Kooxaha nabad diidka ayaa laga yaabaa in ay ka faa’iideystaan hubkaas sharci darrada ah ee magaalada lasoo geliyay, waxaana la dhici kartaa in suuq madow looga iibiyo Alshabaab.