Imaaraadka Oo Diiday In Ay Soomaali Usoo Magacawdo Safiir

Warar hoose oo aan ka heleyno wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya waxa ay sheegayaan in Imaaraadka ay ka biya diidday in Soomaaliya ay usoo magacawdo safiir cusub.
Imaaraadka ayaa dib usoo celiyay safiirka cusub ee ay Soomaaliya u wadday in uu fadhiisto Dubia, maaddaama safaaraddaas ay banaanneyd wakhtiyadii ugu dambeyay.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli xiisadda labada dal ay cirka isku shareertay, welina wax hadal ah kama soo bixin dhanka dowladda gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda oo qaabbilsan arrin.
Talaabadan iyo talaabooyinka lamidka ah waxa ay sii haleynayaan xiriirka labada dal oo hadda qarka u saaran in uu go’o.