DAAWO SAWIRRADA:- Imaaraadka Oo Ugu Dambeyn Markab ku Rartay Alaabtii Ka tiillay Muqdisho

Galabta waxaa magaalada Muqdisho ka shiraacday Markab laga leeyahay dalka Imaaraadka kaas oo lagu daabbulay agagabkii Imaaraadka ka yaallay gudaha Muqdisho.
Markabkan lagu raray alaabtii Imaaraadka Carabta ee isugu jiray gaadiidka, qalab ciidan iyo agabyo kale ayaa galabta ka shiraacday Dekeda Muqdisho, waxaana ku rarnaa agab militeri iyo qalab kale kuwaas oo ah kuwii ay ku howl galayeen hey’adihii ka socday dalkaas ee ka shaqeynayay gudaha Soomaaliya.
Goobjoogayaal kusugan Xeebta Liido ayaa sheeda ka arkay markabkan galabta ka baxay Muqdisho.
Naif Marine ayaa oo ah markab qaad dhexaad ah oo laga leeyahay dalka Imaaraadka, xiisadda labada dowladood ayaa meel xun gaaray taasna waxa ay soo dedejisay in xilli hore ay dalka ka baxaan saraakiisha militeri iyo kuwa caafimaad ee ka socday Imaaraadka.
Haddaba hoos ka daawo sawirrada.

Fb Img 1524494954269

Fb Img 1524494957684

Fb Img 1524494951504