Jadwalka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo la soo saaray!

Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Soo saaray jadwalka doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Gudigaan ayaa sheegay in isdiiwaangilinta musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay bilaabaneyso berri oo Isniin ah taariikhdana ku began tahay 23-ka kuna egtahay Talaadada soo socoto taariikhdana ku began tahay 24-ka bishan April.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay in hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay dhaceyso 25-ka bishaan oo ku beegan Arbaca Soo socoto ayna soconeysa ilaa  26-ka bishan.

Ugu dambeyn guddiga ayaa cadeeyay in doorashadu ay dhaceyso 30-ka bishaan Abriil oo todobaadka damba ah.

Warqad 3 233x420
Warqad 3 233×420