DEG DEG:- Ma dhabbaa in afgembi Uu Ka dhacay Dalka Sacuudiga?

Rasaas xooggan ayaa waxaa laga maqlay agagaarka qasriga boqortooyada dalka Sucuudiga fiidnimadii caawa.
Wax war ah lama heyn saacaddii ugu horreysay gudaha qasriga iyo waxa saxda ah ee ka jiray.
Wararku waxa ay intaas ku darayaan in boqorka uu ka maqnaa qasriga markii uu dhacayay falkan.
Sida Aljazeera ay werineyso Drone yar ayaa soo dulmartay qasriga Boqortooyada, taas oo la garan waayay heybteeda, ka dib ilaallada qasriga ayaa ka shakiyay, waxaana ay owdda ka qaadeen rasaas baddashay dareenka dadka magaalada oo u qaatay in af gembi uu jiro.
Siyaasadda Sucuudiga ee ku dhisan cabburinta ayaa mar walba u bisil in Af gembi lagu sameeyo, ha yeeshee mar walba boqortooyada waa ay ka digtoon tahay middaas.
wixii warar ah nagala soco.