Ciidamada Somlailand oo xalay Hoteel kala baxay Boqor BUUR-MADOW!

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa Xarunta Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in xalay xabsiga la dhigay Boqor Cismaan Aw Maxamuud BUUR-MADOW oo kamid ah dadka sida weyn looga yaqaano deegaanada Maamulka Somaliland.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay Fiidkii gudaha ugalay Hoteelka Mansoor ee ku yaala Magaalada Hargeysa, Waxeyna Hoteelka kala soo bexeen Boqor Cismaan Aw Maxamuud BUUR-MADOW  oo Shalay uun dib ugu laabtay Deegaanada Somaliland.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Feysal Xiis Cilmi, ayaa sheegay in BUUR-MADOW loo heysto ka qeybgalka Beeldaaje lagu caleema saaray Todbaadkan deegaanka Carmo ee Gobolka Bari, Caleema saarka oo meelo kala duwan la isaga kala yimid dadkii ka qeybgalay Waxaa kamid ah Wasiirada amniga iyo Qorsheynta Soomaaliya.

Feysal Xiis Cilmi, ayaa sheegay in Maxkamad la horgeynayo Eedeysanaha, si loogu qaado danbiga lagu soo oogay oo uu ku sheegay Qaran dumis.

Sidoo kale Ciidamada Somaliland ayaa Habeenkii labaad xalay, waxaa xabsi ugu jira Wariye najiib C/Wali oo ka tirsan Tvga Universal kaa soo la qabtay Arbacadii markii uu dib ugu laabtay Hargeysa, Wariyaha oo ka tagay Muqdisho ayaa waxyaabaha loo heysto waxaa kamid ah inuu sharci la’aan dhoofay sidoo kalena soo noqday.

Si Kastaba, Somaliland ayaa xabsiga utaxaabta dadka ka soo taga deegaanadeeda ee soo gaara Muqdihso iyo Gobolada Kale ee dalka, Waxeyna Maxkamada Gobolka Maroodijeex Toodbaadkan xukun ku riday Niciimo Abwaan Axmed QOrane oo lagu riday Sdaex Sano oo xarig ah iyo QOraa Maxamed Keyse oo isna lagu xukumay Sanad iyo Lix Bil oo xabsi ah.