Madaxweyne Xuxigeenka Hirshabeele Cali Guudlaawe “oo baaq Cajiiba shacabka u diray!

0

Madaxweyne Ku xigeenka Hir-Shabeella Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in garab ay u baahan yihiin dadka beeraleyda ah ee uu saameeyay Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle.

Waxa uu tibaaxay in Dadkaan ay soo mareen labo Marxaladood oo saameysay Noloshooda iyo Beerahooda, kuwaa oo kala ah, in Wabiga uu guray iyo in Haataan uu Karkaarada Jabsaday.

Cid waliba oo ka gacan geysan karta sidii Beeraleyda ay Beerahooda u badbaadsan karaan waxa uu ka dalbaday in aanan ka gacmo laaban.

Howlo lagu celinayo Biyaha Wabiga ee ka socdo Deegaano hoos tagga Magaalada Jowhar ayuu sheegay in aanan ku filneen ama aanan ka celin karin Wabiga oo Karkaarada Jabsaday.

Tuulooyin hoos tagga Magaalada Jowhar waxaa fatahaad ku sameeyay Wabiga Shabeelle oo Khasaara u geystay Dhul beereed Baaxad weyn, Waxaana soconaya howlo looga hortagayo in aanan gaarin Deegaano Horleh.

You might also like More from author

Leave A Reply