SAWIRRO:Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle & Wafdi uu hogaaminayo oo Socod ku dhulka ah Jowhar ku tagay!

Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen oo ay ka mid ahayd guddoomiye ku xigeenka 2aad ee baarlamaanka Hirshabelle Marwo Canab Axmed Ciise iyo xildhibaano kale ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar kadib markii toddobaadyadii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabulahi Xuseen(Cali Guudlaawe) iyo xubnihii la socday ayaa safar dhulka ah waxa ay ugaga soo ambabaxeen magaalada Muqdisho iyagoo soo maray degmada Balcad halkaa oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdigan ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Balcad waxa uu soo booqday dhismaha isbitaalka degmada Balcad isagoo warbixino ka dhagaystay maamulka degmada Balcad.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale waxa uu soo booqday fariisamaha ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka sameysteen deegaanka Haanshiikh iyo Gololey oo u dhexeeya degmooyinka Jowhar iyo Balcad.

Ugu dambeyntii Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle markii uu soo gaaray magaalada Jowhar ayuu si toos ah waxa uu u booqday wabiga Shabelle oo dhowaan  biyo ka fatahay ay sababeen inay ka barakacaan guryahooda  boqolaal qoys oo ku nool xaafada Horseed ee magaalada Jowhar.

“Waxaan idiin ballanqaadayaa abaalmarino aad ku faraxdaan haddii aad ku guuleysataan inaad si dhaqso ah aad u xirtaan biyaha ka fatahaya wabiga.”ayuu u sheegay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe mutadawiciin xiraysay halka ay biyaha ka fataheen.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen  ayaa waxaa uu warbixino ka dhageystay Gudoomiyaha Maamulka Degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar Baareey oo ugu war bixiyay Xaalada Degmada Jowhar & dhibaatada ay geysatay Buqatada iyo dadaalka Maamulka uu u galay.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraanayaa isna ka war bixiyay Safar uu ku soo maray Degmooyinka Warshiikh & Raaga Ceelle isagoo tilmaamamay in Alshabaab beryahaani halkaasi ay isku dhurayeen balse aysan soo arag.

Gebo gabadii ayaa waxaa hadal dheer soo jeediyay Madaxweynekuxigeenka Hirshabeelle Cali Cadulaahi Xuseen Guudlaawe isagoo sheegay in safarkiisa uu ku soo dhamaaday guul kulana uu la soo qaatay madaxda Dowlada dhexe & qaar ka tirsan Safiirada dalka u joogo dalalka kale.

Img 0557
Img 0557
Img 0558
Img 0558
Img 0561
Img 0561
Img 0562
Img 0562
Img 0563
Img 0563
Img 0584
Img 0584
Img 0587
Img 0587
Img 0603
Img 0603