SAWIRRO: Al shabaab oo ka qudbeeyay duleedka Raage Ceele iyo Ciidanka DF oo gaaray!

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan & Taliyaha Guutada Labaad  Jeneral Cali Calasoow ayaa si wada jira u booqday Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya fariisimo ay ku lee yihiin Degmooyinka Warshiikh & Raaga Ceelle .

Ujeedka Masa,uuliyiinta u booqdeen farisimaha Ciidamada  oo ay ka lahayeen Gudaha Degmada Raaga Ceelle ayaa ka danbeysay ka dib markii ay sida la sheegay Kooxda Alshabaab ay beryahaani isku dayeen in ay si awood ah kula wareegaan Deegaanka Qoordheere oo ka tirsan Degmada Raaga Ceelle & degaanada kale oo u dhow kuwaasi oo sida la sheegay Muxaadaro u jeediyay Shacabka isniintii aynu ka soo gudubnay.

Gudoomiyaha Degmada Raaga-Ceelle Mudane Cumar Cali Nuur ayaa ka war bixiyay Xaalada guud ee Degmada tan iyo markii xilka lagu wareejiyay wuxuu soo Hadal qaaday isku dayga Kooxda shabaab ku doonayaan in ay fariisimo ka sameytaan duleedka deganka Qoordheere si mar kale dadka u gumaadaan.

Taliyaha Guutada labaad Cali Calasoow ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwa Guutada Labaad u diyarsan yihiin sidii ay u wiiqilayeen hamiga Alshabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan oo degaanka Qoordheere kula hadlay Shacabka & Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in alshabaab horay ay isaga saareen dadka degaanka oo garab ka helayay Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe balse soo rogaal celinteeda ay taasi micnaheeda tahay in ay raali ka yihiin Balse Madaxda Dowladda dhexe , Dowlad Goboleedka Hirshabeelle aysan raali ka naqon doonin in Kooxda shabaab ku soo laabato deeganadasi.

“ Waxaa diyaar ah Ciidamada Guutada Labaad Talaabo cad ayaana laga qaadayaa mana suuro gali doonto in shabaab ay dib halkaan ugu soo laabtaan ayuu yiri Gudoomiye Axmed Meyre Makaraan oo la hadlayay Shacabaka ku dhaqan Degaanada Qoordheere & Warciise.

Hadalaani Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa aad u soo dhoweyay Gudoomiyaha Maamulka Degmada Raaga Ceelle oo aad ugu hamuun qabo in dhamaan degnaadasi uusan shabaab lugta soo dhigin madaama uu ku mashquulsan yahay horumarinta Degmada RaagaCeelle.

30705880 807778036085913 1793735242259890176 N
30705880 807778036085913 1793735242259890176 N
30726618 807779852752398 8847909672330461184 N
30726618 807779852752398 8847909672330461184 N
30729367 807781329418917 3715417822260625408 N
30729367 807781329418917 3715417822260625408 N