Taliyaha NISA iyo Fahad Yaasin oo Xalay lacag u qeybshay Xildhibaano si aay u taageran Musharax aay wataan Xog Culus!

0

Taliyaha ciidamada Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya Xuseen Cismaan Caloolkuus, ayaa lacag Agaasimaha Madaxtootayada Fahad Yaasin u dhiibay u qeybshay Xildhibaano ka tirtsan Baarlamaanka Fedaraalka Somalia.

Taliyaha Nabadsugida oo horey ugu yimid rabtitaanka Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasin ayaa Xalay Xildhibaano ka tirtsan Golaha Shacabka min laba kun dollar ugu qeybshay guriga Xildhibaan Cali Ganeey Fowsiyo Maxamed Sheekh iyo Xarunta Taliska Ciidamada NISA ee Habar Khadiijo, lacagtaasi oo uu u soo dhiibay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasin ayaa loo siiyey Xildhibaanada laaluush ahaan si ay ugu codeeyaan’Musharaxooda ay wataan Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur, kaas oo si qarsoodi ah la rabo in la dhaxmariyo Mucaaradka xooggiisa aan la dhayalsan karin ee ka soo horjeedada rabitaanka Fahad Yaasiin kuwaas oo walaac ka qaba in Hey’adda Sharci Dejinta Gacanta u gasho Laanta Fulinta haddii rabitaanka Madaxtooyada iyo NISA ay guuleysto.

Iyadoo sidoo kale lagu wado saacadaha iyo maalmaha soo socda in aay bilaabaan qeybinta lacag kale oo lagu taagerayo Musharaxa labaad ee aay wataan kaas oo ah Wasiirka Gaashandhiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.

Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraadalka Soomaaliya, oo horey ugu cabsi qabay uguna digay in afduub lagu sameeyo Golaha shacabka ayaa u muuqata haatan in dhabahii aay ku socoto maadama shaqsiyaadkaasi haddii lagu doorto laalush Golaha shacabka shaqsiyaad Madaxtooyada ka tirsan aay Maamulan doonaan taaso ah mid nasiib daro ah.

12016
12016

You might also like More from author

Leave A Reply