DHAGEYSO: Wada-hadal U Bilowday Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Xukuumadda Federaalaka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay idaacadda Voa-da  ayaa sheegay inuu jiro wada-hadal toos ah oo ka dhex bilowday Somaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

“Hadda Dhex-dhaxaadin toos ah ma aysan bilaabanin, balse Madaxda Dowladaha Soomaaliya imaraadka carabta ayaa bilaabay In ay wada-hadlaan oo ay xaliyaan khilaafka,wada-hadalka labada dhinac meel fiican ayay marayaan.

Dhanka kale wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan maqlin wararka ku aadan in Dowladda Imaaraadka Carabta ay joojisay tababaradii ay siin jirtay  Ciidamadda Dowladda Soomaliya.

HALKAAN KA DHAGAYSO

You might also like More from author

Leave A Reply