Ciidamo la kala dhax dhigay Beelihii ku dagaalay Maxaas?

0

Taliyaha Milatariga Soomaaliya qeybtooda ku sugan Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay Ciidamo kala dhax dhigayn Maleeshiyo dhawaan ku dagaalamay Tuulooyin hoos yimaada Maxaas.

Taliye Muumin Garaad ayaa sheegay in xaaladda ay degan tahay odayaasha Beelaha dagaalmayna ay wadaan dadaalo xal loogu raadinayo dhinacyadii dagaalamay.

Taliye Muumin ayaa sheegay in ay Ciidamada Soomaaliya dhax dageen meel u dhaxeysa Laba dhinac si looga fogaado dagaal dambe.

Beelahaan ayaa muddo badan ku dagaalamaya Tuulooyin ka tirsan degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobalka Hiiraan walina xal lagama gaarin dirirtooda.

You might also like More from author

Leave A Reply