Xulka Qaranka Soomaaliya oo maanta La ciyaaraya dhiggooda Ethiopia

0
Xulka qaranka 17 jirada ayaa maanta ciyaaraya kulankooda ugu horeya e tartanka Cecaf 2018.
Xulka qaranka kubbadda cagta dalkeena ayaa la ciyaaraya Ethiopia,iyagoo wada ciyaaridoona kulamadooda kowaad tartanka Xulalka da’yarta qaarada Afrika 2018.
Maalinti shalay ayuu tartanka ka furmay caasimada Bujumbura ee waddanka Burndi waxaana kulankii furitaanka wada yeeshay xulalka da’yarta dalalka Kenya iyo wadanka martigalinaya ee Burundi.
Xidigaha da,da yar ayaa laga soo xulay tartamo kala duwan oo ay soo ciyaareen iyagoo soo qaatay diyaar garoow aad uwanaagsan.
Ciyaaryahanada la soo xulay waa 25 oo laga soo kala xulay tartamada kala duwan sida tartankii iskulada taratankii barakacayaasha oo ay kasoo baxeen xidigo tayo leh.
xulkan 17 jirada waxaa hogaamiye u ah daafaca kooxda Heegan Cali xabad kaas oo hogaamin doona.
Sanadakaan xulka ayaa rajeenaya inay gaaran meel wacan madaama sanadihii hore ay dhicin xul soo gaara meel fiican.
 Ogeysiiska Ciyaarta.
Tartaka Cecaf under 17 2018
Dalalka:-Somalia VS Ethiopia
Maalinta:-Axad
Sacaada:-4:30 pm
Cimiladda Xiliga Ciyaarta: – 20° C/68° F
Garoonka:-Ngozi Stadium

You might also like More from author

Leave A Reply