Xildhibaanada Abgaal qiimeyn lagu sameeyay iyo 5 Arrimood oo lagu sifeeyay !

Xildhibaanada Baarlaamanka Fedaraalka Soomaaliya, ugu jiro Beelweynta Abgaaal oo lumiyay kalsooninada Shacabka aay matalaan sababaha soo socdo awgeed.

Shabkada Warbaahinta Shaaciye.com oo baaris iyo dabagal dheer oo aay sameeysay kadib ogaatay in Xildhibaanada ku matalla Dowladda Dhexe Beelweynta Abgaal lumiyeen Kalsooninada Beesha ku qabtay matallaadooda.

1: Xildhibaanadda Golaha Shacabka iyo aqalka Sare ku matallo Beelweynta Abgaal Cismaan oo markii horey ku soo baxay Musuq maasuq iyo Ergada doorashada ka qeyb gashay oo loogu faa,iideestay baahiyahooda laguna xarqiyay lacago Baddan iyaga oo aan eegin aayaha danbe shaqsiga aay u xulanayaan in uu Dowladda ku matalo waxqabadkiisa.

2: Xildhibaanada Beelweynta Abgaal oo u badan shaqsiyaad ganacsato ah iyo Kuwa la shaqeeya Haya’ado oo dalka waqti kooban jooga kana warqabin baahiyaha dadkooda Golaha shacabkana horgeyn Baahiyaha kajira deeganadii laga soo doortay iyo daruufta kajirta.

2: Xildhinaanada soo haray waa shaqsiyaad Xukumadda R/wasaare Khayre jeebka ugu jiro iyaga oo ka qaata Mushaaraad joogta si aynaan ugu mashquulin Maqaam uu yeesho Gobalka Benaadir si loo wiiqo awooda Beelweynta Abgaal oo hadii Gobalka Benaadir Maqaam ama Maamul gobaleed loo sameeyo noqonayso Beesha kaliya ee xaquuqda ka maqan si rasmiya u heleeyso.

3: Xildhibaanada Beelweynta Abgaal oo loo kala qeybshay Kooxo Xisbiyo si aynaan u midoobin kuwaasi oo lakala ilaaliyo in aay kulmaan iyaga oo hadii aay midoobaan xaquuqda ka maqan la imaan karo iyaga oo sharci wax ku raadinaya.

4: Xildhibaanka kaliya ee runta ka hadlo una dhashay Beelweynta Abgaal waa Sen: Xaaji Muuse Suudi oo markii uu ka hadlaba daruufta kajirto deeganada uu matallo lagu furo dacaayado iyado hadaladiisa xikmadda ku jirto loo badalo maadeys.

5: Waxaa la yiri far kaligeed fool ma dhaqdo Haddi Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow qadiyada Deegnada uu matalo uu ka hadlo hadalkiisana si kale loogu fasiro Bulshadda Xildhibaanada kale ee Dowladda ku matalo deeganada kale markii aay daruufta deeganadooda kajirto booqdana la soo dhoweeyo waa damiir xumo hayso Xildhibaanada Beelweynta Abgaal in aay ka aamusan oo haddi aay gabeen ficilkii waxqabakii laga sugaayay  hadal laga waayay.

Sidaan la socono Deeganada Beelweynta Abgaal waxaa kajiro nolol xumo Isbitaalo malahan sidoo kale Goobo waxbarasho ama Jaamacado kuma yaalan waxaa sidoo kale maqan Maqaamkii Gobalka Benaadir Ceelal Biyaado malahan.

By Xuseen Madoobe