SAWIRRO: R/W Kheyre Muxuu kala hadlay Maamulka G/Banaadir iyo Taliska Booliska?

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Sarreeyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidanka Booliska, , waxaana kulankaasi goob joog ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed.

Kulankaan, ayaa looga hadlay howlaha Ammaanka Caasimada iyo siddii loo dardar gelin lahaa, waxaana kulanka aragtiyo kala duwan oo amniga ku saabsan isku dhaafsaday Madaxdii kasoo qeyb gashay, iyaddoo lagu ballamay in Ammaanka masuuliyad adag la iska saaro, loona naxariisto dadka Shacabka ah.

Ra’iisul wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo hadal dheer ka jeediyey kulanka ayaa ka hadlay ahmiyadda amniga Muqdisho , ilaalinta  hantida Umadda , sare u qaadista  kalsoonida shacabka  , isagoo sheegay in si dhab ah la iskula xisaabtami doono hadii ay timaado dul duleelo xagga amniga ah.

Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda ay ku dadaali doonto taageeridda laamaha Ammaanka, waxaana uu ku boggaadiyey shaqada adag ee Habeen iyo maalin ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna  duqa magaaladda muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in wada shaqeynta Shacabka , Maamulka Banaadir iyo hay’adaha amnigu uu yahay mid aad u sareeya taasina ay keentay guulo amni.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Taliska Booliska uu kordhiyey howlgalada Ammaanka lagu sugayo, isaggoo tilmaamay in loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda inay yeeshaan Maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir , Talisyada Saldhigyada Booliska iyo kuwa Nabad sugida.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeeray qaybaha Taliska Ciidanka Booliska soomaaliyeed waxaana qaybahaasi u sharaxay waxyabaha lagu qabto Taliyaha Ciidanka Booliska soomaaliyeed.

D07cce83 Cf73 4ab2 84b4 A5e5b51fac49 1024x683
D07cce83 Cf73 4ab2 84b4 A5e5b51fac49 1024×683
D257dedf Bfe5 4892 A1b3 F836723d844b 1024x683
D257dedf Bfe5 4892 A1b3 F836723d844b 1024×683
30706482 1540761386036646 3926502242886236293 N
30706482 1540761386036646 3926502242886236293 N
30707422 1540761579369960 4447181420754278563 N
30707422 1540761579369960 4447181420754278563 N
30712576 1540761516036633 3929023697323613624 N
30712576 1540761516036633 3929023697323613624 N
30713870 1540761442703307 6787394982974910837 N
30713870 1540761442703307 6787394982974910837 N
30726043 1540761656036619 4614317031682470655 N
30726043 1540761656036619 4614317031682470655 N
30727688 1540761319369986 5313174012870082638 N (1)
30727688 1540761319369986 5313174012870082638 N (1)
30727688 1540761319369986 5313174012870082638 N
30727688 1540761319369986 5313174012870082638 N

You might also like More from author

Leave A Reply