Qaban qaabada doorashada Kursi ka mid ah Golaha Shacabka ayaa si aad ah looga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.
Kursigani ayaa horay waxaa uga Geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Calim oo ka mid ahaa Mudanayasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaana ku tartamaya Kursigani ilaaa 3 Musharrax oo doonaya in mid waLba kan kale uu uga guleysto doorashadaasi.
Dhawaan Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka madaxa banaan Xaliimo Ismaaciil Ibrahim “Xaliimo Yarey ay shacisay in 15-ka bishan ay dhici doonto doorashada kursigan ka banan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.