DHAGEYSO:Yaaqshiid Haweeney Labo Caruur Haysatay oo Isku Dishay!

0

Xaafadd kamid ah Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa xalay ka dhacday dhacdo ilaa haatan ay la fajacsan yihiin dadka xaafaddas.

Degmada Yaaqshiid gaar ahaan halka loo yaqaano sarta Wiif waxaa xalay isku dishay haweeney Xaas aheyd oo labo Caruur haysatay, taasi oo la sheegay in sanadihii dambe ay qabtay Xanuunka dhanka Maskaxda ah.

Haweeneyda is dishay ayaa lagu Magacaabi jiray  Xaawo Cali Maxamed waxaana la sheegay in  Gurigii ay deganeyd ay isku soo xirtay kadibna ay Xariga u isticmaashday dilkeeda.

Mahad Cabdulle Macow Maxamed oo ay Ilmo Adeer yihiin Haweeneyda isdishayayaa ka warbixiyay sida ay u dhacday dhacdaaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

You might also like More from author

Leave A Reply