Dil xalay Masuul sare loogu geestay Waqooyiga Gaalkacyo!

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay xalay dil ka geysteen Waqooyiga Gaalkacyo.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Axmed Deeq Cali Hayaan, ayaa ahaa Xisaabiyihii Guud ee Dowladda Hoose Gaalkacyo, Waxaana dhowr xabadood qeybta sare ee Jirka kaga dhuftay dhalinyaro Bistoolado ku hubeysan, Kooxihii dilka geystay ayaa durbadiiba goobta isaga cararay.

Dadka deegaanka Axmed Deeq Cali Hayaan ula orday isbitaalka Guud ee Xarunta Gobolka Mudug, Waloow Saraakiisha Caafimaadka ay usheegeen iney Marxuumka Nafta ka baxday.

Ciidamada amniga ayaa baaritaano xoogan ka sameeyay goobta uu dilku ka dhacay, Waxeyna soo qab qabteen dhalinyaro badan kuwaasoo la sheegay isku shaandheyn kadib in badi kamid ah la sii daayay, Howlgalka oo ahaa mid guri guri ah ayaa ujeedkiisa ahaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa danbiilayaasha.

Meydka Marxuum Axmed Deeq Cali Hayaan oo ahaa Xisaabihii Guud ee Dowladda Hoose Gaalkacyo ayaa Saaka la filayaa in lagu aaso Qabuuro ku yaala Gaalkacyo, waxaana ka qeybgali doono masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.