Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in shaqada laga eryay Taliyihii Nabad Sugidda Gobolka Baay ee Maamulkaas.
Ibrahim Isgowe Ibrahim ayaa ahaa taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Baay,waxaana shaqo ka eryiddiisa ay timid kaddib markii ay wada shaqeyn waayeen Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa sheegay in Wasiirka amniga ee Maamulkaas Xasan Maxamed Eelay ay wada shaqeyn waayeen Isgoowe sidaasna xilka looga qaaday.
Maamulka Koonfur Galbeed wali ma magacaabin beddelka Ibraahim Isgoowe Ibraahim iyada oo uu warkan yahay mid cusub.
Filo wixii soo kordha